Explore Coffee with Alumni
Monthly knowledge-sharing program organized by the Alumni Administration
of Mogadishu University. It brings together university graduates to exchange expertise,
experiences, and professional insights, fostering networking and continuous learning
among the alumni community.
Coffee with Alumni 20
09 June, 2024
Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Ibraahim Maxamed Mursal ayaa ka qaybgalay barnaamijka “Coffee With Alumni” oo ka dhacay magaalada Neyroobi ee dalka Kenya.
Barnaamikan, oo ay soo agaasimeen Maamulka Qalinjabiyayaasha Jaamacadda, waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka mid ah qalinjabiyayaasha Jaamacadda oo shaqo iyo waxbarasho u jooga Kenya waxaana guddoomiyaha Jaamaddu uga warbixiyay horumarada Jaamacadda iyo halka ay hiigsaneyso.
Coffee with Alumni 18
May 31, 2024
Muftiga labaad ee magaalada Istanbul İstanbul Müftülüğü, Sheikh Ahmet Aktürkoğlu oo qudhiisa ah qalinjabiye ka tirsan Jaamacadda Muqdisho, iyo qaar ka mid ah Alumni-ga waxbarasho sare u joogta Turkiga iyo sidoo kale, wafdi ballaaran oo howla shaqo, tababarro iyo booqashooyin isugujira u jooga dalaka Turkey
Coffee with Alumni 17
26 December 2023
Maamulka qalinjabiyayaasha Jaamacadda Muqdishu ayaa soo agaasimay kulan aqoonisweydaarsi ah oo lagu falanqaynaayey Mowduuca “Xatabadda Doorashada: Taabbagelinta Xisbiyo Badan & Baarlamaan Tayo leh” Xatabadda doorashadu waa nidaam xisbiyada lagu shardiyo inay helaan tiro go’an oo ah codadka codbixiyayaasha (sida 01%, 03% ama 05% ee tirada codbixiyayaasha dalka) si ay xildhibaanno ugu yeelan karaan baarlamaanka.
Coffee with Alumni 16
26 December 2023
Maamulka qalinjabiyeyaasha Jaamacadda Muqdishu ayaa soo qabanqaabiyey kulan aqoonisweydaarsi ah oo lagu falanqaynaayey “Midaynta Habdhigaalka af Soomaaliga” iyo marxaladihii uu soo maray. Qaar kamid ah dufcadihii kala duwanaa ee ka qalinjabiyey Jaamacadda ayaa ka faa’iideystay aqoonisweydaarsiga. Barnaamijka waxaa soo jeediyey Prof Cabdalla Cumar Mansuur oo ah xeeldheere afafka Kushitigga iyo af Soomaaliga.
Coffee with Alumni 15
26 June 2023
Maamulka qalinjabiyeyaasha Jaamacadda Muqdishu ayaa soo qabanqaabiyey kulan aqoonisweydaarsi ah oo lagu falanqaynaayey “Midaynta Habdhigaalka af Soomaaliga” iyo marxaladihii uu soo maray. Qaar kamid ah dufcadihii kala duwanaa ee ka qalinjabiyey Jaamacadda ayaa ka faa’iideystay aqoonisweydaarsiga. Barnaamijka waxaa soo jeediyey Prof Cabdalla Cumar Mansuur oo ah xeeldheere afafka Kushitigga iyo af Soomaaliga.
Coffee with Alumni 10
05 November 2022
Coffee with Alumni oo ah barnaamij bille ah oo uu soo agaasimo Maamulka Qalinjabiyeyaasha Mogadishu University, ujeedadiisuna tahay in ay qalinjabiyeyaasha jaamacaddu isku waydaarsadaan aqoon iyo waayo aragnimo ayaa bishan kiisa 10aad lagu qabtay . Barnaamijka waxaa kasoo qeybgalay qaar kamid ah qalinjabiyeyaashii Jaamacadda Muqdisho ka aflaxay ee dalka Kenya waxbarashada sare ujooga ama ka shaqeeya.
Coffee with Alumni 9
19 October 2022
Coffee with Alumni oo ah barnaamij bille ah oo ay soo agaasimaan Maamulka Qalinjabiyeyaasha Mogadishu University جامعة مقديشو ayaa bishan kiisii 9aad lagu qabtay Istanbul,Turkiga. Waa markii ugu horreysay ee Barnaamijka Coffee with Alumni lagu qabto dalka dibaddiisa. Barnaamijka waxaa kasoo qeybgalay qaar kamid ah qalinjabiyeyaashii Jaamacadda Muqdisho ka aflaxay ee dalka Turkiga waxbarashada sare ujooga.
Coffee with Alumni 8
30 August 2022
Maamulka qalinjabiyeyaasha Jaamacadda Muqdishu ayaa soo qabanqaabiyey kulan aqoon isweydaarsi ah oo lagu gorfaynayey dhibaatada haysta luqadda Carabiga iyo tariikhda dheer oo ay ku leedahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, iyada oo la ogyahay in ay luqaddu tahay luqadda labaad ee dalka ee dastuuriga ah. Barnaamijka waxaa kasoo qaybgalay aqoonyahanno ku takhasusay Luqadda Carabiga.
Coffee with Alumni 7
30 July 2022
Barnaamijka coffee with alumni waa barnaamij bille ah oo uu soo agaasimo maamulka qalinjabiyaasha ee Jaamacadda Muqdisho. ujeedadiisuna tahay in ay Qalinjabiyaasha Jaamacadda isku weydaarsadaan aqoon iyo waayo’aragnimo. #CoffeeWithAlumni. #MogadishuUniversity #qalinjabiyaasha #alumni #administration
Coffee with Alumni 6
30 June 2022
Mogadishu University Alumni ayaa qabtay barnaamijka billaha ah ee Coffee with Alumni kaasi oo lagu fallanqeeyay “Masuuliyadda Caafimaadka: Aragtida Shareecada Islaamka iyo Xeerka Soomaaliya “. Qaar kamid ah dufcadaha 21aad iyo 22aad ee kulliyadda Medicine ayaa loo qabtay barnaamijkan. Waxaa bishan barnaamijka marti ku ahaa Abukaate Bashiir Maxamed Shiikh oo ah bare iyo xeeldheere arrimaha sharciga.
Coffee with Alumni 5
31 May 2022
Mogadishu University Alumni ayaa qabtay barnaamijka billaha ah ee Coffee with Alumni kaasi oo lagu fallanqeeyay “Saameynta ay leedahay in si xun loo isticmaalo Internetka iyo kaalinta aqoonyahanka”. Madasha waxaa ka qeyb galay aqoonyahanno iyo dad badan oo saameyn ku leh baraha bulshada, kuwaasi oo siyaabo kala geddisan uga hadlay Internetka.
Coffee with Alumni 4
31 March 2022
Barnaamijka coffee with alumni, oo ah barnaamij bille ah, ujeedadiisuna tahay in ay Qalinjabiyaasha Jaamacadda isku weydaarsadaan aqoon iyo waayo’aragnimo. Barnamijka waxaa ka qaybgalay qaar ka mid ah qalinjabiyeyaasha Kuliyadda Injineeriyada ee Jaamacadda Muqdisho. Bishan waxaa diiradda lagu saaaray masuuliyadda saaran Injineerada dhismaha dhanka fiqiga Islaamka iyo qaanuunka madaniga.
Coffee with Alumni 3
26 February 2022
Barnaamijka coffee with alumni, oo ah barnaamij bille ah, ujeedadiisuna tahay in ay Qalinjabiyaasha Jaamacadda isku weydaarsadaan aqoon iyo waayo’aragnimo oo uu soo agaasimo maamulka qalinjabiyaasha ee Jaamacadda Muqdisho, islamarkaasna ay ka qaybgaleen qaar ka mid ah macalimiinta iskuulada, Jaamacadaha dalka, iyo ardayda baahiyaha gaarka qaba ee dhigata Jaamacadda Muqdisho.
Coffee with Alumni 2
01 February 2022
Waa barnaamij bille; Cilmiwadaag ah, ujeedadiisuna tahay in ay Qalinjabiyeyaasha jaamacaddu is weydaarsadaan aqoon, ogaal iyo waayo’aragnimo ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Barnaamijka waxaa si gaar ah marti ugu ahaa kalkan, Xeeldheerayaal ku takhasusay: ACCA -Association of Chartered Certified Accountant- Ustaad Abdullahi Salad Hussein.
Coffee with Alumni 1
06 December 2021
Waa barnaamij bille; Cilmiwadaag ah, ujeedadiisuna tahay in ay Qalinjabiyeyaasha jaamacaddu is weydaarsadaan aqoon, ogaal iyo waayo’aragnimo. Aalaaba barnaamijku waxa uu ka kooban yahay laba qeybood:- Qaybta 1-aad ee barnaamijka Waxaa lagu casuumaa qof ka mid ah qalinjabiyeyaasha ama aqoonyahan kale oo ku xeeldheer cilmi gaar ah ama leh xirfad gooni.