DSC00672

Maamulka qalinjabiyayaasha Jaamacadda Muqdisho ayaa kulan ku qabtay Beledweyne.

Iyada oo laga amba qaadato xoojinta shabakadda qalinjabiyayaasha jaamacadaha Muqdisho, waxaa  magaalada Beledweyne ka qabsoomay kulan ballaaran oo ay isugu imaadeen xubnaha qalinjabiyayaasha ee ku sugan magaaladaas.
Kulankan oo uu ka qeyb galay ustaad Shafici Ibrahim oo ka tirsan maamulka Jaamacadda oo maalmahaan Beledweyne shaqo u joogay ayaa looga hadlay isku xirnaanta xubnaha, u khidmeynta bulshada, wada shaqaynta Jaamacadda iyo wadaagga khibradaada iyo fursadaha.
Beledweyne waxey ka mid tahay magaalooyinka ay joogaan xubno ballaaran oo qalinjabiyayaasha jaamacadd Muqdisho ah, waxeyna tusaalo u yihiin u adeegga bulshada, iyaga oo isugu jira bahda waxbarashada, macalimiin, maamulayaal , ganacsato,, garsoor, dhaqaatiir, injineero, Howlwadeenada hay’adaha caalamiga ah, iyo maamulka gobolka oo heer degmo iyo heer gobolba leh iyo xirfadlayaal kale
Jaamacadda waxaa Sharaf u ah in ardaydii ka aflaxday ay maanta adeegyada bulshada ee dalka ka socda lafdhabar u yihiin.
DSC00672
DSC00681
DSC00695
IMG 0555
IMG 0559
IMG 0564
IMG 0630
IMG 0646
IMG 0626
IMG 0617
IMG 0597
IMG 0582
IMG 0665
IMG 0687
IMG 0692
IMG 0710
IMG 0723
IMG 0737
IMG 0744