
Maamulka qalinjabiyayaasha Jaamacadda Muqdisho ayaa kulan ku qabtay Beledweyne.
Iyada oo laga amba qaadato xoojinta shabakadda qalinjabiyayaasha jaamacadaha Muqdisho, waxaa magaalada Beledweyne ka qabsoomay kulan ballaaran oo ay isugu imaadeen xubnaha qalinjabiyayaasha ee ku sugan magaaladaas.
Kulankan oo uu ka qeyb galay ustaad Shafici Ibrahim oo ka tirsan maamulka Jaamacadda oo maalmahaan Beledweyne shaqo u joogay ayaa looga hadlay isku xirnaanta xubnaha, u khidmeynta bulshada, wada shaqaynta Jaamacadda iyo wadaagga khibradaada iyo fursadaha.
Beledweyne waxey ka mid tahay magaalooyinka ay joogaan xubno ballaaran oo qalinjabiyayaasha jaamacadd Muqdisho ah, waxeyna tusaalo u yihiin u adeegga bulshada, iyaga oo isugu jira bahda waxbarashada, macalimiin, maamulayaal , ganacsato,, garsoor, dhaqaatiir, injineero, Howlwadeenada hay’adaha caalamiga ah, iyo maamulka gobolka oo heer degmo iyo heer gobolba leh iyo xirfadlayaal kale
Jaamacadda waxaa Sharaf u ah in ardaydii ka aflaxday ay maanta adeegyada bulshada ee dalka ka socda lafdhabar u yihiin.