Maamulka qalinjabiyeyaasha Jaamacadda Muqdishu ayaa soo qabanqaabiyey kulan aqoonisweydaarsi ah oo lagu falanqaynaayey “Midaynta Habdhigaalka af Soomaaliga” iyo marxaladihii uu soo maray.
Qaar kamid ah dufcadihii kala duwanaa ee ka qalinjabiyey Jaamacadda ayaa ka faa'iideystay aqoonisweydaarsiga.
Barnaamijka waxaa soo jeediyey Prof Cabdalla Cumar Mansuur oo ah xeeldheere afafka Kushitigga iyo af Soomaaliga, cilmibaare iyo bare sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ahna guddoomiyaha Akademiye Goboleedka af Soomaaliga (AGA).......

Coffee with Alumni oo ah barnaamij bille ah oo uu soo agaasimo Maamulka Qalinjabiyeyaasha Mogadishu University جامعة مقديشو, ujeedadiisuna tahay in ay qalinjabiyeyaasha jaamacaddu isku waydaarsadaan aqoon iyo waayo aragnimo ayaa bishan kiisa 10aad lagu qabtay 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐍𝐚𝐢𝐫𝐨𝐛𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐊𝐞𝐧𝐲𝐚.
Barnaamijka waxaa kasoo qeybgalay qaar kamid ah qalinjabiyeyaashii Jaamacadda Muqdisho ka aflaxay ee dalka Kenya waxbarashada sare ujooga ama ka shaqeeya.
.......
Coffee with Alumni oo ah barnaamij bille ah oo ay soo agaasimaan Maamulka Qalinjabiyeyaasha Mogadishu University جامعة مقديشو ayaa bishan kiisii 9aad lagu qabtay Istanbul,Turkiga.
Waa markii ugu horreysay ee Barnaamijka Coffee with Alumni lagu qabto dalka dibaddiisa.
Barnaamijka waxaa kasoo qeybgalay qaar kamid ah qalinjabiyeyaashii Jaamacadda Muqdisho ka aflaxay ee dalka Turkiga waxbarashada sare ujooga.
Waxaa xusid mudan in uu Barnaamijka qayb ka ahaa mudane Sheekh Ahmet .....
Mogadishu University Alumni ayaa qabtay barnaamijka billaha ah ee Coffee with Alumni kaasi oo lagu fallanqeeyay "Saameynta ay leedahay in si xun loo isticmaalo Internetka iyo kaalinta aqoonyahanka".
Madasha waxaa ka qeyb galay aqoonyahanno iyo dad badan oo saameyn ku leh baraha bulshada, kuwaasi oo siyaabo kala geddisan uga hadlay Internetka.
Barnaamijka coffee with alumni, waa barnaamij bille ah, oo uu soo agaasimo maamulka qalinjabiyaasha ee Jaamacadda Muqdisho....
Waa barnaamij bille; Cilmiwadaag ah, ujeedadiisuna tahay in ay Qalinjabiyeyaasha jaamacaddu is weydaarsadaan aqoon, ogaal iyo waayo’aragnimo.
Aalaaba barnaamijku waxa uu ka kooban yahay laba qeybood:-
Qaybta 1-aad ee barnaamijka
Waxaa lagu casuumaa qof ka mid ah qalinjabiyeyaasha ama aqoonyahan kale oo ku xeeldheer cilmi gaar ah ama leh xirfad gooni, si uu ula wadaago waayo-aragnimadiisa ku aadan mowduuc mudnaan leh oo ku haboon martida barnaamijka.