Share This Post

Alumni Annual Gathering

Wuxuu ahaa kulan xiise leh oo ay isku arkeen qalinjabiyaashii kulliyadda Culuumta Siyaasadda iyo Saxaafadda ee Jaamacadda Muqdisho, Guddoomiyaha Jaamacadda iyo Maamulka Naadiga qalinjabiyaasha. Wada sheekeysi, iswareysi, kaftan iyo talowadaag ayaa u gundhig u ahaa kulankan oo qayb ka ah furitaanka barnaamijka dib u mideynta qalinjabiyaashii Jaamacadda (Alumni Reunion) oo ah barnaamij loogu talagalay inay ku kala war qaataan dufcooyinkii kala duwanaa ee ka qalinbeddeshay Jaamacadda Muqdisho. Wuxuu maamulka qalinjabiyeyaasha qaban doonaa kulamo kale oo si gaar ah loo qaban doono qalinjabiyeyaasha kulyadaha kala duwan ee jaamacadda.