Waa barnaamij bille; Cilmiwadaag ah, ujeedadiisuna tahay in ay Qalinjabiyeyaasha jaamacaddu is weydaarsadaan aqoon, ogaal iyo waayo’aragnimo.
Aalaaba barnaamijku waxa uu ka kooban yahay laba qeybood:-
Qaybta 1-aad ee barnaamijka
Waxaa lagu casuumaa qof ka mid ah qalinjabiyeyaasha ama aqoonyahan kale oo ku xeeldheer cilmi gaar ah ama leh xirfad gooni, si uu ula wadaago waayo-aragnimadiisa ku aadan mowduuc mudnaan leh oo ku haboon martida barnaamijka.